warar

 shir ay ku qabteen ardayda beesha Gaaljecel dalka malaysia
Shirkii ardayda iyo waxgaradka beesha Gaaljecel ee dalka sudan

 

Beledwein University oo Howl-bilowday.

Dhawaan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa laga furey Jaamacad lagu magacaabey Beledwein University, waxa ayna noqoneysaa Jaamacadii ugu horeysay oo Gobolka ka hana qaada.( Sawiro )

Xilligan Jaamacadu waxay ka kooban tahey Saddex Kuliyadood oo kala ah; Kuliyada Shareecada, Kuliyada Waxbarashada iyo Kuliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha.

Dhamaan Saddexda Kuliyadood waa ay shaqeeyaan, labada gelinna Jaamacada waa la dhigaa, waxa ayna dhan yihiin Ardeyda ilaa iyo hadda iska diiwaan gelisay 65 Ardey, walina qorida Ardeydu way socotaa maalin walbana Ardey cusub ayaa ku soo biirta, sida uu inoogu waramey Ustaad Maxamed Muuse oo Xiriirka guud Jaamacada ugu qaabilsan.

Jaamacada oo furan dhowr bil, waxa uu Maamulkeedu ku guuleystay Maktabad kooban oo Ardeydu ka faa’iideysan karaan inuu hirgeliyo.

Waxaa la filayaa Beledwein University kaalin weyn inay ka ciyaarto kor u qaadida heerka aqooneed ee Shacabka Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Gobolada dhexe.

Jaamacadu, waxay gacan iyo taabo gelin uga baahan tahey Shacabka Gobolka dal iyo dibadba meel ay ku nool yihiin iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, si yoolalka ay hiigsaneyso ugu hir galaan.

Muuqaalka Xarunta Beledwein University

Fasal ka mida Ardeyda Jaamacada.

Wakiilka Xiriirka guud ee Jaamacada

Xeyn Ardeyda ka mida oo Maktabka ka faa’iideysanaya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s




%d bloggers like this: